Dib-u-habaynta dhaqaalaha Itoobiya ayaa laga dareemayaa natiijooyin muuqda - Maamo Mihretu - ENA Af-Soomaali
Dib-u-habaynta dhaqaalaha Itoobiya ayaa laga dareemayaa natiijooyin muuqda - Maamo Mihretu

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 17/2017 (ENA): Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Itoobiya, Maamo Mihretu, ayaa sheegay in dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka uu yahay mid adag isla markaana natiijooyin muuqda dhalinaya.
Isagoo ka hadlayay shirweynaha 2025 ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka, ayuu xusay in Itoobiya markii ugu horreysay muddo 50 sano ah ay xoogga saartay inay xorayso nidaamka maaraynta lacagaha qalaad, taasoo qeyb ka ah barnaamijka dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in barnaamijkani yahay dadaal qaran oo si wanaagsan loo qorsheeyay, oo diiradda saaraya xasilloonida iyo horumarka muddada dheer, balse aan ku koobnayn oo keliya isbeddelka sicirka ee lacagta qalaad. Barnaamijku waxa uu sidoo kale ka kooban yahay kor u qaadidda helitaanka lacagaha qalaad,, iyo dhiirrigelinta hufnaanta.
Wuxuu sidoo kale sheegay in wax soo saarka dalka laga dhoofiyo la kordhiyay, taas oo sababtay in dakhliga laga helo lacagaha qalaad uu sare u kaco.
Maamo waxa uu sheegay in awoodda dalka ee soo xareynta lacagaha qalaad saddex jibaar la kordhiyay, taasina ay sare u qaaday kalsoonida ay shirkadaha gaarka loo leeyahay ku qabaan suuqyada. Waxa uu intaa ku daray in halkii 87 amar oo adag laga dhigay hal amar oo sahlan si nidaamka lacagaha qalaad uu u noqdo mid hufan oo waxtar leh.
Isagoo ka hadlaya siyaasadaha maaliyadeed iyo lacagta, wuxuu sheegay in isbeddelladaas si taxaddar leh loo dejiyay, isla markaana ay muhiim tahay in la ilaaliyo joogtaynta kormeerka suuqa.
Dib-u-habaynta waxa ay sidoo kale saameyn ku yeelatay shuruucda bangiyada, iyadoo laga furay tartan caalami ah, la cusboonaysiiyay sharciga Bangiga Dhexe, lana hormarinayo xasilloonida qiimaha badeecadaha. Tani waxay muujinaysaa sida dawladda uga go’an tahay inay gaarto koboc dhaqaale oo waara iyo xasillooni dhaqaale.
Gudoomiye Maamo wuxuu xusay in tallaabooyinka la qaaday si loo yareeyo sicir-bararka ay yihiin kuwo lala yaabo, isagoo sheegay in yoolka ugu weyn ee Bangiga Dhexe ee Itoobiya uu yahay in la xakameeyo sicir-bararka.
Wuxuu tilmaamay in siyaasadaha adag ee lacagta ee haatan dalka ka socda ay keeneen in bishii Cuur/Magaabit sicir-bararku uu hoos uga dhacay 30% una dhacay 13%. Waxa uu intaa ku daray in sanad-miisaaniyadeedka soo socda lagu dadaalayo in sicir-bararka hoos loogu dhigo 10%.
Gabagabadii, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe wuxuu sheegay in lagu talaabsaday horumar muuqda oo la taaban karo, islamarkaana diiradda la saarayo in la dhiso saldhig adag oo koboca mustaqbalka lagu gaari karo, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo abuuri lahaa maalgelin gaar loo leeyahay oo xoog leh.