Tababar Lagu Horumarinayo Magaalooyinka iyo Kobcinta Teknolojiyada oo Ka Socda Ismaamulka Diri Dhaba - ENA Af-Soomaali
Tababar Lagu Horumarinayo Magaalooyinka iyo Kobcinta Teknolojiyada oo Ka Socda Ismaamulka Diri Dhaba

Dirdhaba: Duugato/Miyaaziya 17/2017 (ENA): Tababar diiradda lagu saarayo horumarinta magaalooyinka iyo kobcinta teknoolojiyadda ayaa galay maalintiisii 3aad, waxaana uu ka socda Ismaamulka Diredhabe. Tababarkan waxaa soo diyaariyey xafiiska xisbiga Barwaaqo, gaar ahaan laantiisa Diredhabe.
Tababarka waxaa ka qaybgalaya hoggaanka sare iyo hoggaanka dhexe ee xisbiga Barwaaqo ee Ismaamulka Diredhabe. Waxaa sidoo kale goob joog ahaa afhayeenka Golaha Wakiillada Shacabka ee Ismaamulka Diredhabe, Marwo Fadxiya Aadan, Duqa Ismaamulka Diredhabe Mudane Khadiir Johar, iyo Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo laantiisa Diredhabe Mudane Ibraahim Yuusuf.
Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa si rasmi ah u daahfuray Mudane Ibraahim Yuusuf, oo sheegay in tababarka lagu falanqeynayo sidii loo horumarin lahaa magaalada Diredhabe iyo sidii teknoolojiyadda casriga ah loogu adeegsan lahaa kobcinta adeegyada bulshada, si loola jaanqaado isbeddelka degdegga ah ee caalamka.
Maanta, tababarku wuxuu si gaar ah diiradda u saaray horumarinta magaalooyinka iyo kordhinta adeegsiga teknoolojiyadda. Waxaa madasha lagu soo bandhigay warbixino muhiim ah, iyadoo hoggaamiyeyaasha kala duwan ee xisbiga Barwaaqo laantiisa Diredhabe ay dhiibteen aragtiyo iyo fikrado wax-ku-ool ah oo ku aaddan mowduucyada laga hadlay.
Ugu dambeyn, tababarka waxaa si wadajir ah u soo gunaanaday Duqa Ismaamulka Diredhabe Mudane Khadiir Johar iyo Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo laantiisa Diredhabe Mudane Ibraahim Yuusuf. Waxay sheegeen in tababarkan uu yahay mid muhiim ah oo loogu talagalay in hoggaamiyeyaasha xisbiga ay ka faa’iidaystaan aqoon ahaan iyo waayo-aragnimo ahaan, si ay door muuqda uga qaataan horumarinta magaalada iyo adeegsiga teknoolojiyad casri ah oo u adeegta bulshada.