Shirkad Maraykankana ayaa muujisay xiisaha ay u qabto inay ku baahiso adeega xawaaladaha ee ay bixiso Itoobiya - ENA Af-Soomaali
Shirkad Maraykankana ayaa muujisay xiisaha ay u qabto inay ku baahiso adeega xawaaladaha ee ay bixiso Itoobiya

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 17/2017 (ENA):- Shirkadda American Visa Banking ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay ku balaadhiso adeega xawaaladaha caalamiga ah ee gobolka oo ay ku jirto Itoobiya.
Wasaaradda hal-abuurka iyo tignoolajiyada waxay ogolaatay inay kala shaqayso shirkadda kaararka lacag bixinta ee caalamiga ah ee Maraykanka ee Visa Inc. xagga xawaaladaha, maaliyadda dhijitaalka ah, iyo fursadaha iskaashiga cusub.
Wasiiru-dawlaha Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada, Yeshirun Alemayehu (Dr.), ayaa muujiyay rabitaankiisa xooggan ee lagu horumarinayo iskaashiga dhijitaalka ah ee ku salaysan sinnaanta iyo faa'iidada wadaagga ah.
Waxa kale uu sheegay in hawlo badan oo kala duwan laga qabanayo qaab-dhismeedka sharciga, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo horumarinta shaqaalaha si loo xaqiijiyo guusha isbeddelka dhijitaalka ah.
Waxa uu tilmaamay in dadaal badan lagu bixinayo sidii loo habayn lahaa hawlaha qaranka iyo sidii Itoobiya loogu soo bandhigi lahaa wax soo saar maaliyadeed iyo adeegyo cusub.
Maykil Beerner, oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Gobolka Koonfurta iyo Bariga Afrika ee Visa Inc., ayaa muujiyay rabitaankiisa xooggan ee ah in adeegyada xawaaladaha caalamiga ah la gaarsiiyo Itoobiya iyo dalalka kale ee gobolka.
Waxa kale uu tilmaamay in lacagta xawaaladaha ay wax ka tari doonto horumarinta nidaamka deegaanka ee dhijitaalka ah ee Itoobiya, waxaanu sheegay in la dhaqan gelin doono hab-dhaqanka ugu wanaagsan ee caalamiga ah iyo kuwa gobolka.
Ugu danbayntii, wasaaradda ayaa tilmaamaysa in la isku afgartay in laga wada shaqeeyo guud ahaan ajendaha isbeddelka dhijitaalka ah ee Itoobiya, iyo sidoo kale mashaariicda istaraatiijiyadda dhijitaalka ah iyo qorshayaasha fulinta.