#Dalxiis: Safiiro dalal kala duwan ka socda ayaa dalxiis u tagay Seerta Qaranka ee Buuraha Baale

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 17/2017 (ENA): Safiirada dalal kala duwan ayaa dalxiis ku tagay Seerta Qaranka ee Buuraha Baale.


 

In ka badan 20 safiir iyo diblomaasiyiin ka socda dalal shisheeye ayaa ka qayb galaya barnaamijkan dalxiiska ah oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda dalxiiska oo kaashanaysa hay’adda UNESCO ee safiirrada fadhigoodu yahay Addis Ababa.


 

Intii ay ku guda jireen booqashadan dalxiiska, wasiiru dawlaha dalxiiska Silashi Girma ayaa uga warbixiyay fursadaha dalxiiska ka jira Itoobiya.

Wararka naga soo gaadhaya wasaarada dalxiiska ayaa sheegaya in seerta qaranka ee buuraha Baale ay ka mid tahay meelaha dhaxalka aduunka ee ay Itoobiya ka diiwaan gashan tahay hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ee UNESCO.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015