Degmooyinka Fiiq, Ley, Beercaano iyo Shiniile oo lagu wareejiyay gaadiidka gurmadka degdeg ah - ENA Af-Soomaali
Degmooyinka Fiiq, Ley, Beercaano iyo Shiniile oo lagu wareejiyay gaadiidka gurmadka degdeg ah

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 16/2017 (ENA): Xafiiska Caafimaadka DDS oo ka duulaya siyaasadda caafimaadka Dalka ee xoogga lagu saaro ka jawaabista su'aalaha iyo tabashooyinka bulshada ayaa maanta xarumaha caafimaad iyo cusbitaallada degmooyinka Ley, Fiiq, Beercaano iyo Shiniile ku wareejiyay 8 gaadiidka gurmadka degdeg ah si ay qayb uga noqdaan dadaallada kor loogu qaadayo adeega caafimaadka.
Gadiidkani oo ay ku baxday miisaaniyad dhan 25 milyan oo birr ayaa laga soo iibiyay mashruuca SDH oo uu maalgaliyo Midowga Yurub, waxaana wareejintiisa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta Xafiiska Caafimaadka DDS oo uu ugu horreeyo Madaxa Xafiiska Caafimaadka Dr. Muuse Axmed.