Magaalada Jigjiga waxa ka qabsoomay kulan looga hadlayay shilalka gaadiidka iyo badqabka wadooyinka - ENA Af-Soomaali
Magaalada Jigjiga waxa ka qabsoomay kulan looga hadlayay shilalka gaadiidka iyo badqabka wadooyinka

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 16/2017 (ENA): Kulankani oo ay soo diyaarisay Wakaaladda Badbaadada Jidadka iyo Adeegga Sanduuqa Caymiska ee dalka oo kaashanaysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee JDFI iyo Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka ee DDS ayaa loo qabtay Deegaannada Soomalida, Hararida, Ismaamulka Diri Dhaba iyo gobolka Bariga Hararge ee Deegaanka Oromada.
Waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin uu ugu horeeyo Madaxa Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS Muden Cabdixakiin Sheekh Xasan, Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Badbaadada Jidadka iyo Adeegga Sanduuqa Caymiska ee dalka Mudane Jamaal Cabaso, masuuliyiinta saktorka gaadiidka iyo badbaadada wadooyinka ee deegaannada dariska ee bariga dalka.
Intii uu kulanku socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinta waxqabadka 9-kii bilood ee sannadka 2017-ka ee dhanka ka hortagga shilalka iyo caqabadaha gaadiidka iyo shuruucda dib loo habeeyay ee gaadiidka.