In ka badan 356 kun oo macaamiil cusub ah ayaa noqday kuwa ka faa’iideysta adeegga korontada - ENA Af-Soomaali
In ka badan 356 kun oo macaamiil cusub ah ayaa noqday kuwa ka faa’iideysta adeegga korontada

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 16/2017 (ENA): Shirkadda adeegga korontada ee Itoobiya ayaa sheegtay in 356,935 oo macaamiil cusub ay noqdeen kuwa ka faa’iideysta adeega korontada sagaalkii bilood ee la soo dhaafay.
Tirada macaamiisha cusub ee adeegga korontada helay ayaa ka badan 20% marka loo eego isla muddadaas sanadkii hore, sida laga soo xigtay xogta shirkadda.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in 107 magaalooyin miyiga ah ay heleen adeega korontada.
Waxaa la hirgeliyay 15,295 kiiloo mitir oo xadhig koronto ah iyo 3,042 gudbiyayaal cusub ah.
Tirada guud ee macaamiisha shirkaddu hadda waxay dhaaftay 5 milyan, kuwaasoo kala ah: 81% kuwa bixiya lacagta adeegga isticmaalka ka dib, 18% bixiya lacagta adeegga ka hor, halka 1% ay yihiin macaamiisha isticmaala kontoroolka casriga ah.