Waxaa la daahfuray wajiga labaad ee dhirbeerista xarunta dalxiiska Shabeelley

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 1/2017 (ENA): Wasiirka Waraabka iyo Dhulka Joogiisu Hooseeyo ee JDFI Dr. Abraham Belay oo ay weheliyaan masuuliyiinta Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS ayaa daahfuray wajiga labaad ee dhirbeerista xarunta dalxiiska Shabeelley.

Wajigan labaad ee dhirbeerista xarunta dalxiiska Shabeelley ayaa ka kooban 13 xafiis oo xafiisyada heer deegaan ah masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska ayaana si wadajir ah u beeray dhir dhan 500 oo geed.


 

Waxaana barbar socday dhirbeeristan wareejinta qalabaynta uu mashruucu usameeyay dugsiga sare ee degmada Shabeelley, iyadoo qalabkan kala duwan ee mashruucu dugsiga ka taageeray wareejintiisa gurbajoog ka aha Muxigeenka Madaxa Xafiiska Waxbarashada Deegaanka Mudane Dayib Muxumed. 


 

Instaasi kadib waxay masuuliyiintu si wadajir ah usoo kormeereen mashruuca dalxiiska Shabeelley kormeerkan ayaana qaybka ah qiimaynta bilaha ee mashruuca lagu sameeyo.

 

Madaxa Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha Deegaanka Mudane Axmed Shugri ayaa sheegay in kormeerkan lagu kuurgalayo qaab socodka mashruuca laga sameeyay intii ka dambaysay qiimayntii hore.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015