Shirkii Duulista Hawada Itoobiya ayaa Ka Socda Addis Ababa

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 16,2017 (ENA) – Shirkii Duulista Hawada ee Itoobiya ayaa ka socda Hoteelka Sky Light ee magaalada Addis Ababa.

Shirkan ayaa halku dhig looga dhagay: "Horumarinta Duulista Caalamiga ah: Afrika Ayay Ku xidhaysaa Aduunka."

Shirka waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka Dr. Alemu Sime; Wasiirka Dalxiiska Selamawit Kassa; Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Hawada Itoobiya Getachew Mengiste; Madaxa Fulinta ee Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines Mesfin Tasew; iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan bahda duulista hawada.


 

Shirkan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah iyada oo diiradda lagu saari doono baahiyaha shirkadaha diyaaradaha, garoomada diyaaradaha iyo adeeg-bixiyeyaasha warshadaha.

Waxaa la xusay in shirka uu door weyn ka ciyaarayo xoojinta isku xirka gudaha dalka ee dhinaca duulista hawada, kobcinta adeegyada xamuulka, iyo casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka hawada ee Itoobiya.

#Itoobiya #Wakaaladda_Warka_Itoobiya #ENA

Wakaalada Warka Itoobiya
2015