Itoobiya iyo Ruushka ayaa Kala Saxiixday Is-afgarad Lagu Xoojinayo Wada-shaqeynta Caafimaadka - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo Ruushka ayaa Kala Saxiixday Is-afgarad Lagu Xoojinayo Wada-shaqeynta Caafimaadka
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 16, 2017 (ENA) – Itoobiya iyo Ruushka ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ah iskaashi cusub oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinaca caafimaadka.
Heshiiskan waxaa kala saxiixday Wasiirka Caafimaadka ee JDFI, Dr. Mekdes Dhaaba, iyo Madaxa Hay’adda Federaalka Ruushka u qaabilsan Kormeerka Xuquuqda Macaamiisha iyo Daryeelka Bulshada, Anna Popova.
Heshiikan Is-afgaradka ay ayaa dhinac socday shirkii ugu horreeyay ee Ruushka iyo Afrika ay si wadajir ah ugu qabteen tababarka iyo cilmi-baarista kooxaha gurmadka degdegga ah ee caafimaadka.
Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo iskaashiga labada dal ee la xiriira ka jawaabida xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka.
waxaa la sheegay in heshiiskani uu kor u qaadi doonaa iskaashiga labada dal ee xilliyada cudur dillaaca iyo xaaladaha caafimaad ee degdegga ah, iyada oo diiradda la saarayo caafimaadka iyo nadaafadda.
Wasiirka Caafimaadka, Dr. Mekdes Dhaaba, ayaa carabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta caalamiga ah ee dhinaca caafimaadka.
Waxay sheegtay in heshiiskan uu sahli doono is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradda, isla markaana uu dhisi doono awoodda lagula tacaalo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka.
Anna Popova ayaa iyaduna tilmaantay in heshiiskani uu gacan ka geysan doono in labada dal ay si wanaagsan isugu diyaariyaan xaaladaha caafimaad ee degdegga ah, loona xoojiyo daryeelka caafimaad ee muwaadiniinta.
Is Afgaadkan ayaa ka koobnaan doona isweydaarsiga macluumaadka, tababarro iyo la wadaagidda khibradaha ugu wanaagsan si loo xoojiyo awoodda labada dal ee wax ka qabashada caqabadaha caafimaad.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in is-afgaradkan uu yahay tallaabo weyn oo horay loo qaaday si loo horumariyo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Ruushka dhinaca caafimaadka.
#Wakaaladda_Warka_Itoobiya #ENA