Dib-u-habaynta Dhaqaalaha dalku wuxuu sare u qaaday awoodda Diblomaasiyadda Dhaqaalaha ee Itoobiya— Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 9/2017 (ENA): Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in horumarka laga sameeyay dhanka dhaqaalaha guud uu sabab u noqday in awoodda iyo saamaynta diblomaasiyadda dhaqaalaha Itoobiya si cad loo arko.

Waxaa la xusay in Itoobiya ay ku guulaysatay inay 9-kii bilood ee la soo dhaafay hirgeliso howlo diblomaasiyadeed oo si weyn u ilaaliya danaha qaranka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Nabiyaat Geetaajaw, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlaha waaweyn ee diblomaasiyadda ah ee la qabtay mudadaas, isagoo sheegay in Itoobiya ay mudnaanta siisay deriskeeda, isla markaana ay xoogga saartay xoojinta xiriirka ay la leedahay.

Wuxuu sheegay in sidoo kale ay dalka ka qabsoomeen hawlo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee ay Itoobiya la leedahay dalalka kale, iyadoo lagu saleynayo dan-wadaag iyo is-kaashi.

Sidoo kale, wuxuu xusay in shirkii 38-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo kii 46-aad ee Golaha Fulinta ay si weyn u soo jiiteen ka qaybgalayaashii, taasoo muujisay sida Itoobiya loo qaddariyay.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in ka sokow hawlaha diblomaasiyadda shacabka ku saleysan, ay dowladda Itoobiya u suurto gashay inay fursado waxbarasho oo lacag la’aan ah siiso 968 qof.

Waxaa la sheegay in Itoobiya ay saxiixday 11 heshiis oo is-kaashi laba geesood ah oo ay la gashay dalal kala duwan, kuwaasoo loo gudbiyay Golaha Wakiillada Shacabka si loo ansixiyo.

Tan iyo bisha sagaalaad ee 2016 TI, dowladda Itoobiya waxay si qoto dheer ugu hawlanayd dib-u-habaynta dhaqaalaha guud ee dalka, taasoo kor u qaaday awoodda iyo saamaynta diblomaasiyadda dalka.

Dhanka diblomaasiyadda dhaqaalaha, waxaa la sheegay in safaaradaha iyo qunsuliyadaha Itoobiya ay sameeyeen olole lagu dhiirrigelinayo maalgashiga, iyadoo la faafiyay 143 fursadood oo maalgashi ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in 533 shirkadood ay yimaadeen Itoobiya si ay u sameeyaan safarro horudhac ah oo maalgashi, halka 88 carwo ganacsi lagu soo bandhigay wax-soo-saarka Itoobiya, taasoo dhalisay 98 heshiisyo ganacsi oo cusub.

Dhanka kale, waxaa la soo celiyay in ka badan 92,000 oo muwaadiniin Itoobiyaan ah oo ku sugnaa xaalado adag oo dibadda ah.

Sidoo kale, waxaa socda dadaallo lagu soo celinayo ilaa 700 muwaadiniin Itoobiyaan ah oo ku sugan xaalado adag dalka Maaynimaar ah.

Ugu dambeyn, waxaa la sheegay in in ka badan 130 qof laga soo daadgureeyay Maaynimaar, isla markaana qorshuhu yahay in 200 kale dalka dib loogu soo celiyo 10-ka maalmood ee soo socda.

#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015