Itoobiya iyo Kenya ayaa Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Ganacsiga

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 8, 2017 (ENA) — Wasiirka Ganacsiga iyo xidhiidhka gobolka, Dr. Kassahun Gofe, ayaa maanta magaalada Mombasa wadahadallo kula yeeshay Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee Kenya, Rebeka Miano.


 

Farriin uu ku baahiyay boggiisa baraha bulshada, Wasiirku wuxuu ku sheegay in labada dhinac ay yeesheen wadahadallo miro dhal ah oo ku saabsan xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada dal.


 

Gaar ahaan, wuxuu xusay in labada dhinac ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in ganacsiga sharcidarada ah, loogu badalo qaab sharci ah.


 

Sidoo kale, waxay qiimayn ku sameeyeen wadahadallada ganacsi ee ka socda heerka guddiyada farsamada, iyagoo adkeeyay go'aankooda ku aaddan gaarista jihada wadajirka ah ee hoggaamin doonta iskaashiga mustaqbalka.

#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015