Awoodda wax-soo-saarka warshadaha ee ka jira dawlad deegaannada ayaa korodhay - ENA Af-Soomaali
Awoodda wax-soo-saarka warshadaha ee ka jira dawlad deegaannada ayaa korodhay

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 8/2017 (ENA): Wasaaradda Warshadaha ayaa sheegtay in 9-kii bilood ee la soo dhaafay uu kordhay awoodda wax-soo-saarka ee warshadaha ku yaalla dawlad deegaannada dalka.
Wasiirka Wasaaradda Warshadaha, Mudane Melaaku Alebel, ayaa arrintan ka sheegay kulan lagaga hadlayay fulinta qorshaha 9-ka bilood ee sanad-miisaaniyadeedkan 2017, kaas oo uu yeeshay wasaaraddu iyada oo la kaashaneysa hoggaaminta hay’adda iyo khubarada la shaqeysa.
Mudane Melaaku ayaa xusay in awoodda wax-soo-saarka warshadaha ee ka jira dawlad-l deegaannada ay si weyn u korodhay.
Wuxuu sheegay in guushan la diiwaan geliyey iyadoo lagu guuleystay in warshado cusub lagu soo kordhiyo suuqa shaqada, taas oo si weyn uga qeyb-qaadatay horumarinta wax-soo-saarka.
Ugu dambayntii, warbixinta wasaaradda ayaa muujisay in dalka uu ka badbaaday in ka badan 3 bilyan oo doolar oo oo ku bixi jirtay iibka alaabo dibadda laga keeno, taas oo lagu beddelay wax-soo-saarka gudaha.