Hoggaaminta si wadaniyad leh uga shaqaysa geeddi-socodka nabadeed ee reer Suudaan ayaa lagama maarmaan u ah xallinta qalalaasaha ka jira dalka

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 8/2017 (ENA): Wafdiga sare ee Itoobiya oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Danjire Ridwaan Xuseen ayaa ka qaybgalaya shir arrimaha Suudaan looga hadlayo oo ka socda magaalada London.

Shirkaas ayaa diiradda lagu saaray gargaar bini’aadantinimo, xaqiijinta xabbad-joojinta iyo in xal siyaasadeed loo helo dagaalka ka socda Suudaan iyadoo la eegayo xaaladaha jira.


 

Waftiga Itoobiya ayaa xusay muhiimadda uu leeyahay geeddi-socod nabadeed oo ay hogaaminayaan reer Suudaan, si loo daryeelo shacabka nabadda jecel loona gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo oo aan caqabad lahayn, iyadoo la xaqiijinayo heshiis waara oo xabbad-joojin ah.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka inay kordhiso taageerada ay siiso Suudaan iyo dalalka dariska la ah ee martigelinaya qaxootiga, isla markaana loo baahan yahay in la sii wado ururinta deeqaha si wax looga qabto dhibaatada bini’aadantinimo.


 

Wafdigu wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in isbeddel siyaasadeed oo ay hogaaminayaan reer Suudaan la gaaro iyadoo lala kaashanayo hay’adaha ah khuseyso, si loo helo hannaan nabadeed oo heer caalami ah.

Shirkan oo ay si wadajir ah u qabteen Ingiriiska, Midowga Yurub, Faransiiska, Jarmalka iyo Midowga Afrika, ayaa waxaa kasoo qaybgalay wakiillo ka socda 14 dal oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobay iyo hay’ado caalami ah, sida laga soo xigtay safaaradda Itoobiya ee London.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015