1,250 Dugsiyo hoose ah ayaa la dhisay 9-kii Bilood ee la soo dhaafay – Wasiirka Waxbarashada — Brofessor Berhanu Negaa - ENA Af-Soomaali
1,250 Dugsiyo hoose ah ayaa la dhisay 9-kii Bilood ee la soo dhaafay – Wasiirka Waxbarashada — Brofessor Berhanu Negaa
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 6/2017 (ENA): Wasiirka Waxbarashada ee Itoobiya, Brofessor Birhaanu Negaa, ayaa sheegay in 1,250 dugsada hoose ah la dhisay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay ee sannad miisaaniyaddeedkan.
Shir lagu qiimeynayay waxqabadka 100-ka maalmood iyo guud ahaan fulinta qorshaha dhaqaalaha dalka ee rubuciisa saddexaad ee sannad-miisaaniyadeedkan 2017, ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed.
Wasiirka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay waxyaabaha muhiimka ah ee laga qabtay dhanka waxbarashada, isaga oo sheegay in tayada macallimiinta ay hooseyso, horumarka kaabeyaasha waxbarasho ee dugsiyada aanay dhameystirneyn, nidaamka waxbarasho uu leeyahay caqabado, buugta waxbarashada aanay si buuxda loo helin, taasina ay noqdeen caqabadaha waaweyn ee dhinaca waxbarashada.
Si arrimahaas wax looga qabto, waxaa dalka oo dhan laga hirgeliyay dib-u-habeyn guud oo waxbarasho.
Wasiirku wuxuu sheegay in sannadkii la soo dhaafay 27.5 bilyan oo Birr laga ururiyay shacabka si loogu dhiso looguna cusbooneysiiyo dugsiyada waxbarasho iyadoo la marayo ololaha "Waxbarasho u samee Jiilka".
Sannadkan, dadaalkaasi wuu sii xoogeystay iyadoo la qorsheynayo in lacag dhan 54 bilyan oo Birr la ururiyo si dugsiyo cusub loo dhiso, kuwa jirana loo dayactiro.
Mudadii sagaalka bilood ahayd: waxaa la dhisay 1,250 dugsi hoose, 390 dugsi heer hoose iyo dhexe ah, 200 dugsi sare ah, sidoo kale 22,000 dugsi ayaa la cusbooneysiiyay.
Tallaabadan, ayuu wasiirku sheegay, in ay sare u qaadayso tayada waxbarashada dalka.
Waxaa kale oo uu xusay in dugsiyada xannaanada, oo hore ugu koobnaa magaalooyinka, hadda si siman loogu faafiyay dhammaan deegaannada dalka.
Wasiirku wuxuu sheegay in sidoo kale la qabtay shaqooyin lagu xaqiijinayo in jaamacadaha sare ay noqdaan xarumo xaqiijin kara tayada waxbarashada sare ee dalka.
Ugu dambayntii, Brofesor Berhanu Negaa ayaa xaqiijiyay in sanadkan soo socda, 10 jaamacadood uu qorshuhu yahay in loo diyaariyo in ay noqdaan kuwo madax-bannaan oo is-maamula.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya