Shacabka degmada Gaashaamo oo lala yeeshay kulan lagu adkaynaayo Nabadgalyada, laguna dhagaysanayo tabashooyinka shacabka ee dhanka horumarka - ENA Af-Soomaali
Shacabka degmada Gaashaamo oo lala yeeshay kulan lagu adkaynaayo Nabadgalyada, laguna dhagaysanayo tabashooyinka shacabka ee dhanka horumarka

Gaashaamo; Duugato/Miyaaziya 06/2017 (ENA): Madaxweyne kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Xuseen Xaashi Qaasim (Ph.D), Hoggaanka Nabadgalyada DDS, Mudane Cabdiqaadir Rashiid Ducaale iyo masuuliyiin kale ayaa kulan la yeeshay shacabka degmada Gaashaamo ee gobalka Jarar, waxaana la dhagaysay aragtida shacabka ee horumarka, iyada oo shacabku ka makhraati kaceen in wax badan laga qabtay, adeegyada aad-aasiga ah ee bulshada, loona baahan yahay in lasii xoojiyo ka jawaabidda baahiyaha bulshada.
sidoo kale shacabka ayaa balan qaaday inay si dhaw ula shaqaynayaan hay'adaha amniga ee deegaanka si loo adkeeyo amniga.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale booqday dugsiga hoyga Gaashaamo, Booqashada ayaa loogu kuurgalay dugsiga hoyga Gaashaamo.