Wadamada Afrika waxay muujiyeen sida ay uga go'an tahay inay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa nabad waarta

Addis Ababa; Cuur/Magaabiit 30/2017 (ENA): Wadamada Afrika ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa nabad waarta iyo ka hortagga colaadaha iyaga oo xalinaya caqabadaha ka jira dowlad wanaagga. 

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Afrika iyo Hay’adda qiimaynta Wadajirka ah ee Afrika (APRM) ayaa shirkoodii afaraad oo wadajir ah muddo laba maalmood ah ku yeeshay magaalada Pritoriya ee dalka Koonfur Afrika.

Kulankan ayaa halku dhigiisu ahaa “Maamul Wanaaggu waaTiirka Ka Hortagga Khilaafaadka iyo Nabad Suggida Afrika”.


 

Itoobiya waxaa kulankaas uga qaybgalay diblomaasiyiin ka kala socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradda Itoobiya ee Pritoriya.

Wadamada ka qayb galay kulankan ayaa muujiyay sida ay uga go'an tahay horumarinta dowlad-wanaagga, xoojinta hababka digniinta ugu horayso, iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah, oo ay ku jiraan waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jirto Itoobiya. 

Waxay kale ay tilmaameen inay ka shaqayn doonaan sidii Afrika nabad waarta loogu heli lahaa iyadoo la horgalinayo Ajendaha 2063-ka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015