Madaxweynaha Itoobiya Taaye Asqasilaase oo Sagootiyay Safiirkii Bangladesh ee Waqtigiisu Dhamaaday - ENA Af-Soomaali
Madaxweynaha Itoobiya Taaye Asqasilaase oo Sagootiyay Safiirkii Bangladesh ee Waqtigiisu Dhamaaday

Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 17/2017 (ENA): Madaxweynaha Itoobiya, Taaye Asqasilaase, ayaa sagootiyay safiirka Bangladesh ee mudo xileedkiisu dhammaaday, Danjire Sikder Bodirusaman.
Safiirku ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay muddadii uu joogay Itoobiya, isagoo tilmaamay in Itoobiya ay tahay dal taariikhi ah oo fac weyn.
Intii uu joogay, waxa uu sheegay inuu dareemay in Itoobiyaanku yihiin dad martigelin wanaagsan, dalkuna uu yahay mid ku habboon nolol iyo daganaansho.
Sidoo kale, safiirku waxa uu xusay in Itoobiya ay tahay xarunta Afrika iyo hormuudka midnimada qaaradda. Waxa uu tilmaamay in shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya iyo doorka Itoobiya ee arrimaha diblomaasiyadda ay muujinayaan kaalinta muhiimka ah ee dalku ku leeyahay caalamka.
Danjire Sikder ayaa sheegay in Bangladesh ay diyaar u tahay in ay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Itoobiya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal.
Waxa uu intaa ku daray in labada dal ay horumariyeen xiriirkooda, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo isdhexgalka shacabka, taas oo keentay in la gaaro natiijooyin wax ku ool ah.
Ugu dambeyn, waxa uu caddeeyay in xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Bangladesh uu sii xoogeysan doono mustaqbalka.