Waa inaan si wadajir ah uga shaqeynaa sidii aan dhaqanka Afrika ugu soo bandhigi lahayn adduunka - Dhallinyaradii ka qaybgashay bandhigga fanka ee bariga Afrika

Addis Ababa, Cuur/Magaabiit 17, 2017 (ENA)–Dhallinyaradii ka qaybgashay bandhigga fanka iyo dhaqanka ee Bariga Afrika ayaa sheegay in dadka Afrikaanka ah ay iska kaashadaan sidii ay dhaqanka Afrika ugu gudbin una soo bandhigi lahaayeen caalamka.

Bandhig faneedka iyo dhaqanka ee Bariga Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Addis Ababa 11-kii ilaa 14-kii Cuur 2017 halku-dhiggiisuna ahaa “Fanka iyo Dhaqanka ee Iskaashiga Gobolka”.


 

Sida ay sheegeen dhalinyaradii ka kala socotay dalalka Jabuuti iyo Tanzania oo ENA fikradahooda ka dhiibtay xafladan ayaa sheegay in xafladan ay wax weyn ka tari doonto aqoonta dhaqanka iyo fanka Afrikaanka.


 

Imili Axmed oo ka timid dalka Jabuuti ayaa sheegtay in bandhiga ballaaran ee xafladda lagu soo bandhigay dhaqanka iyo qiyamka dalalka Bariga Afrika ay door muhiim ah ka qaadaneyso xoojinta isfahamka shacabka dalalkaasi.  

Waxay intaa ku dartay in ka qayb galka xafladan ay ka caawin doonto shaqadeeda naqshadeeye faashink si ay u ogaato una fahanto dhaqanka Afrika si sax ah.


 

Ambeeni Mestire oo ka soo qeyb galay xafladan oo ka yimid dalka Tanzania ayaa sheegay in bandhig dhaqameedka wadamada bariga Afrika ay door muhiim ah ku leeyihiin xoojinta xiriirka labada dal. Waxa kale uu tilmaamay in luuqadda, dhaqanka iyo hab-nololeedka qiyamka Afrika ay isku dhow yihiin, ayaa sheegay in Afrikaanku ay iska kaashadaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen shaqooyinkooda dhaqanka iyo farshaxanka adduunka. 

Dhalinyaradu waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in la xoojiyo xafladaha si ay uga qayb qaataan sidii jiilba jiil loogu wareejin lahaa agabka fanka iyo xoojinta xidhiidhka gobolka.


 

Waxa akle ay sheegeen in uu aad ula yaabeen howlaha horumarineed ee lagu arkay magaalada Addis Ababa; Ambeni Meestire oo kamid ahaa dhalinyarada ahaa ee ka soo qayb galay xafladan isagoo ka yimid Tanzaaniya ayaa sheegay in horumarka iyo dhismooyinka wadooyinka ee uu ku arkay Addis Ababa ay yihiin kuwo qurux badan oo cajiib ah.

Eliyaas Toomas, oo kale oo Tanzanian ah oo da’yar oo xusuustay booqasho uu ku tagay magaalada Addis Ababa dhowr jeer; Wuxuu ku macneeyay in magaalada ay ka jirto isbedel weyn, waana meesha aan ku arkay mustaqbalka Afrika.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015