Xidhiidhka nabadeed ee Itoobiya ay la leedahay dalalka jaarka ah waxa uu daliil u yahay rabitaankeeda ah in ay wada kobcaan– Danjire Diina Mufti - ENA Af-Soomaali
Xidhiidhka nabadeed ee Itoobiya ay la leedahay dalalka jaarka ah waxa uu daliil u yahay rabitaankeeda ah in ay wada kobcaan– Danjire Diina Mufti

Addis Ababa, Cuur/Magaabiit 12, 2017 (ENA):-Danjire Diina Mufti ayaa sheegay in xidhiidhka nabadeed ee Itoobiya ay la leedahay dalalka dariska ah uu muujinayo rabitaankeeda ah in ay wada koraan.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) oo ka jawaabay iyo sharraxaad uu ka bixiyay su’aalihii ay xildhibaannadu shalay weydiiyeen, wuxuu sheegay in Itoobiya ay muujisay rabitaankeeda ku aaddan horumarinta iskaashiga dalalka dariska ah toddobadii sano ee la soo dhaafay.
Waxa uu xusay in arrinta albaabka badda ay tahay arrin jiritaan oo ku dhisan mabda’a saxsan. Waxa kale uu hadalkiisa ku sheegay in aysan ku biiri doonin dagaalka ay kula jiraan dawladaha dariska ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku carrabka ku adkeeyay in aysan Itoobiya cidna u hanqal taagin arrintan, ayna la kaashan doonto wadamada kale si ay u rumowdo riyadeeda horumarineed iyo barwaaqo.
Danjire Dina Mufti oo ah xubin ka tirsan guddiga joogtada ah ee xidhiidhka arrimaha dibadda iyo nabadda ee golaha wakiillada shacabka ayaa kulan la yeeshay ENA oo ku saabsan xidhiidhka nabadeed ee Itoobiya iyo dalalka dariska ah.
Danjire Diina ayaa sheegay in wax qabadkii ay dawladu ku talaabsatay sanadihii lasoo dhaafay in xiriirka waddamada dariska ah uu noqdo mid nabad ah oo ku dhisan iskaashi.
Waxa kale oo uu sheegay in Itoobiya ay ka shaqaynayso sidii ay u kordhin lahayd iskaashigeeda dhinac walba ah iyada oo ahmiyadda koobaad siinaysa dalalka dariska ah siyaasaddeeda arrimaha dibadda; iyo in dadaaladii la galay in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafkii u dambeeyay ee kala dhaxeeyay Soomaaliya ay sidoo kale taasi muujineyso.
Danjire Diina ayaa sheegay in Itoobiya ay ka shaqeyneyso sidii loo sii xoojjin lahaa xiriirka ay la leedahay dalalka dariska ah ee dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah, taasoo sahlaysa in dalalku ay si wadajir ah u koraan iyagoo sare u qaadaya kalsoonida .
Waxa uu xusay in wadamada xiriirka nabada sameeyay ay fursad fiican u heystaan in ay xoojiyaan xiriirkooda ganacsi iyo kuwa maalgashi iyo in ay si wadajir ah u horumaraan.
Waxa ay sidoo kale cadeeyay in Itoobiya ay muujisay sida ay uga go’an tahay xaqiijinta nabad waarta iyo horumar ka dhalata Afrika iyada oo loo marayo kulamadii qaaradaha iyo kuwa caalamiga ah ee ay martigelisay.
Danjire Diina ayaa hdalkiisa kusoo gabagabeeyay in aysan Itoobiya dooneyn in baahideeda ay ku gaarto dagaal, balse ay dooneyso in ay ku hirgaliso mabda'a "wax la siiyo waxna la siiyo" ee labada dhinac ay ka faa'idayaan, isla markaana ay kaalinteeda ka qaadan doonto sidii wada hadal loogu xalin lahaa khilaafaadka ka jira dalalka qaarkood.