Guddoomiyaha Komishinka Midowga Afrika ayaa Cambaareeyay Weerarkii fulaynimo ee argaguxisada Al-Shabaab ay ka geysatay Muqdisho

Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 10/2017 (ENA): Guddoomiyaha Komishinka Midowga Afrika (AUC), Maxanuud Cali Yuusuf, ayaa si adag u cambaareeyay weerarka fulaynimo ee qaraxa gaari ee ka dhacay Muqdisho, kaasoo lagu beegsaday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu isku diyaarinayay safar uu ugu kicitimayay furimaha dagaalka ee la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Falkan argagixisanimo oo ka dhacay isgoys mashquul badan oo ku yaalla caasimadda ayaa ah isku day kale oo ay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ku doonayaan inay ku wiiqaan adkeysiga shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.

Qoraal rasmi ah oo Midowga Afrika soo saaray Talaadadii, ayaa lagu caddeeyay in AU ay si buuxda ula jirto Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku garab taagan dadaallada lagu ciribtirayo khatarta Al-Shabaab.

Taageerada sii kordheysa ee shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan hawlgallada amni ee dalka ka socda ayaa muujinaysa go'aanka mideysan ee lagu diidayo xagjirnimada, laguna xaqiijinayo mustaqbal nabadeed.

Guddoomiyuhu wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii ku naf waayay weerarkan waxashnimada ah, wuxuuna u rajeynayaa soo kabasho degdeg ah kuwa dhaawacmay.

Wuxuu ku baaqay feejignaan joogto ah iyo iskaashi sii socda oo heer gobol iyo heer caalami ah si looga adkaado argagixisada loogana shaqeeyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaada Soomaaliya iyo Geeska Afrika oo dhan.

Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sii wadi doona garab istaagga hay'adaha dowladda Soomaaliyeed dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.

Sida lagu sheegay bayaanka, Midowga Afrika wuxuu weli yahay garab isku halleyn leh oo ka taageeraya Soomaaliya dhinacyada nabadda, amniga, iyo horumarka.

#GuddigaMidowgaAfrika          #AlShabaab                                #Argagixiso                              #Soomaaliya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015