Itoobiya iyo Maraykanka ayaa ka wadahadalay Iskaashiga Suuqyada Ganacsiga labada dal - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo Maraykanka ayaa ka wadahadalay Iskaashiga Suuqyada Ganacsiga labada dal

Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 9/2017 (ENA): Wasiirka Ganacsiga iyo Xiriirka Gobalka, Dr. Kassahun Gofe, ayaa hoggaaminayay wafdi ka socda Itoobiya oo wadahadal la yeeshay wafdi ka socda Maraykanka, kaas oo ku saabsan fursadaha suuqyada ganacsiga ee labada dal.
Kulanka oo ka dhacay Geneva, Switzerland, ayaa qayb ka ahaa shirarka kooxaha farsamo ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO). Wasiirka ayaa sheegay in ay la falanqeeyeen Maraykanka suurtagalnimada ballaarinta fursadaha suuqyada, gaar ahaan dhinacyada adeegyada, wax-soosaarka beeraha, iyo badeecooyinka kale.
Dr. Kassahun Gofe ayaa bartiisa baraha bulshada ku sheegay in wafdiga Itoobiya ay siiyeen Maraykanka sharaxaad iyo jawaabo ku saabsan arrimaha ay soo bandhigeen, iyadoo diiradda la saarayay sidii kor loogu qaadi lahaa fursadaha iskaashiga ganacsiga ee mustaqbalka.
Ugu dambayntii, Wasiirka ayaa xusay in labada dal ay ka wada shaqeynayaan xoojinta xiriirka ganacsi, si loo helo fahan wadajir ah oo ku saabsan horumarinta iskaashiga mustaqbalka.