Ireland oo muujisay taageerada ay siinayso qaybta Caafimaadka ee Itoobiya - ENA Af-Soomaali
Ireland oo muujisay taageerada ay siinayso qaybta Caafimaadka ee Itoobiya

Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 9/2017 (ENA): Wasiirka Caafimaadka Dr. Maqdhas Dhaaba ayaa maanta kulan ku saabsan arrimaha caafimaadka iyo iskaashiga la yeelatay Safiirka Ireland ee Itoobiya, Olifia Lesley.
Dr. Maqdhas Dhaaba ayaa sheegay in Ireland ay si joogto ah uga qayb qaadatay hirgelinta isbedelada caafimaad ee Itoobiya ee ku saleysan mashaariicda caafimaad ee caalamiga ah, waxaana ay u mahadcelisay taageerada Ireland ee muddo dheer ka socotay Itoobiya.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada caafimaadka, tayaynta shaqaalaha caafimaadka, ka hortagga cudurrada, iyo sidii loo horumarin lahaa caafimaadka bulshada iyada oo ay muhiim tahay in la taageero qorshayaasha caafimaad iyo nidaamyada cunto ee dalka.
Intaas waxaa sii dheer, waxay ka wada hadleen sidii loo gaari lahaa yoolalka horumarinta waara (SDGs), bixinta adeegyada caafimaadka ee hufan iyo helitaanka caymiska caafimaadka ee bulshada, iyada oo guud ahaan la xoojiyo nidaamka caafimaadka ee Itoobiya.
Safiirka Olifia Lesley ayaa sidoo kale xustay in Itoobiya iyo Ireland ay si wanaagsan uga wada shaqeyn karaan meelo badan, iyadoo kawada shaqeynta caafimaadka, bixinta cunto caafimaad leh, iyo horumarinta xirfadaha ka hortagga cudurrada ay si weyn uga faa'iideysan karaan labada dal.
Ugu dambayntii, Safiir Olifia ayaa sidoo kale xaqiijisay in Ireland ay go'aansatay inay sii wadayso taageerada caafimaadka ee Itoobiya.