Guddiga Dhaqaalaha ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika - ENA Af-Soomaali
Guddiga Dhaqaalaha ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika

Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 9/2017 (ENA): Guddiga Dhaqaalaha ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika (ECA) iyo Hay’adda Cunntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo suurta-gelinaya inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhinacyo kala duwan.
Heshiiskan ayaa lagu saxiixay Addis Ababa, wuxuuna la xiriiraa iskaashiga labada hay’adood ee kobcinta beeraha waara, horumarinta ganacsiga beeraha, iyo sugnaanta cuntada ee Afrika.
Saxiixa heshiiskan ayaa yimid xilli uu soo dhammaaday shirkii 57-aad ee Wasiirrada Maaliyadda, Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Qorsheynta ee Afrika, kaas oo socday muddo laba maalmood ah.
Ugu dambayntii, Antoniyo Bedro, oo ah Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Guddiga Dhaqaalaha ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika ee dhinaca Taageerada Barnaamijyada, ayaa sheegay in heshiiskan la sugayay muddo dheer, loogana faa’iideysan doono sidii loo dhisi lahaa nidaam cunto iyo beeraley ah oo waara, isla markaana u adkeysan kara isbeddelka cimilada.