Dr. Gadhiyoon Timootiyoos ayaa la kulmay Danjire Salma Maalika Gudoomiye Kuxigeenka Komishinka Midowga Afrika - ENA Af-Soomaali
Dr. Gadhiyoon Timootiyoos ayaa la kulmay Danjire Salma Maalika Gudoomiye Kuxigeenka Komishinka Midowga Afrika

Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 9/2017 (ENA): Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dr. Gadhiyoon Timootiyoos, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Danjire Salma Maalika Haddadi, oo horey u ahaan jirtay safiirkii Aljeeriya ee Itoobiya, haddana ah Kuxigeenka Guddoomiyaha Komishinka Midowga Afrika.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Danjire Salma dadaalkii ay sameysay intii ay ahayd safiirka Aljeeriya ee Itoobiya, gaar ahaan xoojinta xiriirka labada dal.
Sidoo kale, Dr. Gadhiyoon ayaa u rajeeyay guul iyo horumar xilka cusub ee ay ka hayso Midowga Afrika, isaga oo xusay in joogitaanka Addis Ababa uu u noqon doono waqti guul leh.
Ugu dambayntii, wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in Itoobiya, maadaama ay tahay xarunta Midowga Afrika, ay sii wadayso taageerada ay u fidiso howlaha Midowga Afrika.