Kulanka Bahwadaagta Xafiiska Caafimaadka, Hayaadaha Dawliga ah iyo kuwaan dawliga ahayn ee xaqiijinta horumarinta Caafiimaadka iyo qorshaha xoojiinta maalgashiga iyo iskaashiga ayaa ka qabsoomay Magalada Jigjiga.

Jigjiga, Cuur/ Magaabiit 9/2017 (ENA): Kulankan oo ay kasoo qabgaleen hawlwadeenada xafiiska caafiimaadka iyo hayaadaha bahwadagta la ah xafiiska ayay uu jeedadiisu ahayd xaqijinta horumarinta caafiimaadka xoojinta qorshaha maalgashi ee qaybta caafiimaadka iyo gaadhida qorshayaasha fog-fog ee bahda caafiimaadka.


 

Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Caafimaadka Mudane Maxamed Ayaanle oo kulankan furay ayaa sheegay inuu xafiiska caafiimaadku dadaalo midho dhala kasoo hooyiyay adeeg bixinta caafiimaadka heerarkiisa kala duwan, iyada oo hawl wadeenada caafiimaadka iyo bahwadaagtu ay xooga sareen mudooyinkii u danbeyay tayaynta adeeg bixin caafimaad oo ay bulshadu kudirsatay.


 

Dhanka kale Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Caafiimaadka DDS ayaa cadeyay inuu xafiisku xooga saray kordhinta cusbitaalada, xarumaha iyo goobaha caafimaadka DDS tayaynta adeeg bixinta uuna ka muuqdo saktarka caafiimaadka isbadal la taaban karo laguna faani karo haddana uu xafiisku diyaariyey qorshayaal horumarineed oo caafimaad si loo gaadhana hayaadaha bahwadagta looga fadhiyo inay doorkooda qaatan lana adkeeyo qorshaha mustaqbal caafimaad oo tayaysan.


 

Dhankooda, hay'adaha bahwadagta ah ee ay xafiiska caafiimaadka kawada shaqeeyan horumarinta caafimaadka ayaa sheegay inay sii wadi doonan dadaalada loogu jiro helitaanka bulshada ee adeeg caafiimaadoo oo dhamaystiran.


 

Ugu dambaymtii, xafiiska caafiimaadka ayaa ku hawlan gaadhsiinta bulshada adeeg caafiimaad oo dhamaystiran tayona leh.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015