Maamulka deegaanka ayaa raraya 50 cagaf iyo qalabka kale ee wax beerista oo ay shirkaddu u samaysay deegaanka

Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 9/2017 (ENA): Shirkadda Ururka Injineeriyada ee Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa yeeshay kulan ku saabsan sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen keenista qalabka beeraha.


 

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Maareeyaha Guud ee Ahirkadda, Danjire Suleymaan Dhadhafo, iyo Madaxweynaha Deegaanka, Mustafe Muxumed.


 

Iyadoo la raacayo heshiisyadii hore, waxay labada dhinac isla garteen in la bilaabo rarista 50-ka cagaf er noocoodu yajay Way T.O. iyo qalabka kale ee wax-beerista oo horey loo qorsheeyay.

Sidoo kale, maamulka deegaanka ayaa dalbaday in loo keeno 36 cagaf iyo qalab kale oo wax beerista ah, taasoo shirkaddu at aqbashay codsigaas.

Ugu dambayntii, deegaanka ayaa muujiyay baahida ay u qabaan inay helaan walabka kala duwan ee wax soo saarka farsamada casriga ah ee la xiriira beeraha.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015