Wafti ka socda Somaliland ayaa booqday Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka Deegaanka Soomaalida

Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 9/2017 (ENA): Madaxa Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS mudane Cabdixakiim Sheekh Xassen ayaa xafiiska ku qaabilay wafti balaadhan oo uu horkacayo Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland mudane Cabdiraxman Xasan Nuur.


 

Waftiga ayaa ugu horayn booqday xafiiska Madaxa Xaffiiska, halkaas oo ay ku qaateen kulan balaadhan oo lagaga wadahadlay iskaashiga ganacsi ee qotodadheer ee ka dhexeeya labada dhinac.


 

Madaxa xafiiska oo ku dheeraaday ahmiyada ay u leedahay booqashadani ka deegaan ayaa tibaaxay in labada dhinac kawada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa furfurnaan ganacsi iyo isdhexgalka bulshada laba dhinac, si meesha looga saaro caqabadaha ka jira ganacsiga labada dhanac.


 

Intaa kadib waftiga ayaa booqday waaxaha kala duwan ee xafiiska, iyagoo u kuurgalay qaabka adeeg bixinta xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS si ay uga qaataan khibrad. 


 

Ugu dambayntii, waftiga ayaa bogaadiyay qaabka adeeg bixinta gaar ahaan isticmaalka aaladaha casriga ah iyo sida uu adeegu u dhaadhacsan yahay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015