Ciidankeenu waxa uu xoojiyey gudashada hawlaha nabad sugidda ee heer caalami ah, si hawlkarnimo sare leh– Sareeye Guud Dhasta Abaje

Hurso. Cuur/Magaabiit 9/2017 (ENA):-Ciidankeenu waxa uu xoojiyey hawshiisa ah, in uu si guul leh u guto hawlaha nabad ilaalinta ee heer caalami, si hufnaan iyo eex bulsho leh, ayuu yidhi madaxa waaxda handasadda ciidamadda difaaca dalka, sareeye guud Dhasta Abaje.


 

 Dugsiga tababarka ciidanka ee Hurso ayaa maanta waxaa ka qalin jabiyay ciidamo tababar howlgalka nabad ilaalinta. 
 
 Sida uu sheegay Sarreeye Guud Dhasta Abaje oo ah madaxa waaxda handasadda oo marti sharaf ka ahaa barnaamijka qalin jabinta; ayaa sheegay in difaaca qaranku uu awooday in uu gaadho natiijooyin wanaagsan dib u habayntii ka dambaysay isbadalka qaranka.



 
 Wuxuu xusay in tani ay tahay sidii loo heli lahaa ciidan ku qalabeysan hay’ad la isku halayn karo, howl-gal iyo aqoon casri ah iyo farsamooyin dagaal iyo in hay’adda aysan ku qalabeysan teknoolojiyad cusub; taasina ay ciidankeenu ku kordhiyeen ilaalinta qarannimada iyo dastuurka dalka.
 
 Waxa kale oo uu sheegay in ciidanka dalku uu si hufan u xoojiyey hawshiisa nabad ilaalinta ee heer caalami; ayna Itoobiya ay gacan weyn ka geysaneyso taaba gelinta nabadda adduunka, ayna sii wadi doonto inay barato khibradaha caalamiga ah, qaban doontana shaqo wanaagsan, taasoo ka dhigi doonta waddan la doorbido.
 
 Ardaydii maanta qalin jabisay iyo qaar ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ayaa dardaaran u jeediyay inay si habsami leh u gutaan waajibaadkooda si habsami leh iyagoo ilaalinaya sumcadda weyn ee Itoobiya ka dhistay dibadda.



 
 Taliyaha Xarunta Nabadda ee Difaaca, Sareeye Gaas Adhamneh Mengiste ayaa sheegay in is bedelka uu bilaabay Machadka Difaaca uu u sahlay in ciidanka dalka in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda ku aadan ilaalinta nabada gudaha iyo dibadda.
 
 Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in ciidamada nabad ilaalinta ay la yimaadaan iskaashi iyo isku dubarid si ay u gutaan howshooda si geesinimo leh.



 
 Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidanka Huurso, Gaashanle Addisu Terfasa, ayaa sheegay in ciidamada nabad ilaalinta ee maanta ka qalin jabiyay ay heleen tacliin la taaban karo iyo mid cilmiyeed, taasoo u sahlaysa in hawl kasta oo loo dirayo ay ku gaadhaan hufnaan iyo sumcad.
 
 Waxa kale uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay si hufan u gutaan howsha weyn ee nabad ilaalinta ah ee dalkeenu u dhiibay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015