Toddoba Mashruuc oo biyo-xireeno ah ayaa la dhammaystirayaa dhawaan- Maxamed Faatax - ENA Af-Soomaali
Toddoba Mashruuc oo biyo-xireeno ah ayaa la dhammaystirayaa dhawaan- Maxamed Faatax

Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 9/2017 (ENA): Tan iyo isbeddelkii, 18 mashruuc oo biyo-xireen ah ayaa laga hirgeliyay deegaanka Soomaalida, kuwaas oo toddoba ka mid ah ay mar hore shaqo bilaabeen, halka toddoba kalena la filayo in dhawaan la dhammaystiro.
Madaxa xafiiska horumarinta waraabka ee deegaanka, Maxamed Fataax, ayaa sheegay in mashaariicdan ay wax ka beddeleen nolosha reer guuraaga, iyaga oo u suurageliyay in ay helaan biyo joogto ah.
Waxa uu sheegay in dadaallo badan lagu bixinayo sidii loo xoojin lahaa awoodaha horumarineed ee deegaanka, isla markaana mashaariicdan ay fursad u siiyeen in biyaha laga faa'iidaysto iyadoo la adeegsanayo wabiyada deegaanka iyo biyaha dhulka hoostiisa ku jira.
Waxa uu xusay in ka hor isbeddelka, ay jireen kaliya saddex mashruuc oo biyo-xireen ah, kuwaas oo aan si ku filan loogu adeegsan karin baahida bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, wixii ka dambeeyay isbeddelka, 18 mashruuc ayaa la bilaabay, toddoba ka mid ahna waa la dhammeystiray, halka toddoba kale la filayo in dhawaan la dhammaystiro.
Ugu dambayntii, dowladda ayaa ku dadaalaysa in la hagaajiyo nolosha reer miyiga, si ay uga gudbaan xilliyada adag, loogana dhigo beeraley wax soo saar leh, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu xaqiijinayo isku filnaanshaha cuntada ee deegaanka.