Madasha Ergayyada Gaarka ah ee Geedi Socodka Nabadda Sudan ee IGAD ayaa wada tashi ku yeelanaya Addis Ababa - ENA Af-Soomaali
Madasha Ergayyada Gaarka ah ee Geedi Socodka Nabadda Sudan ee IGAD ayaa wada tashi ku yeelanaya Addis Ababa

Addis Ababa; Cuur/Megabit 9/2017 (ENA): Madasha Ergayda Gaarka ah ee Urur-goboleedka IGAD ee Geeddi-socodka Nabadda ee Suudaan ayaa maanta ka furmay magaalada Addis Ababa.
Madashan waxay ujeedadeedu tahay in la isku duwo oo kor loo qaado dadaallada lagu nabadeynayo Suudaan.
Xoghayaha guud ee IGAD Workneh Gebeyehu (Dr.) ayaa tilmaamay in wakiillada gaarka ah iyo ergaydu ay xoojiyaan iskudubaridka iyo wadashaqeyntooda ku aaddan geeddi-socodka nabadda Koonfurta Suudaan.
Xogta ay ENA ka heshay Xoghaynta IGAD ayaa tilmaamaysa in madashan looga golleeyahay in la abuuro hab guud oo hufan oo lagu xalliyo colaadda Suudaan. IGAD waxay muujisay sida ay uga go'an tahay inay Xaqiijiso in geeddi-socodka nabadda uu yahay mid ay Suudaan leedahay oo ay hormuud ka tahay.
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya
#ENA