Barnaamij Afur-wadareed ah ayaa lagu qabtay Safaaradda Itoobiya ee Waashingtan DC

Addis Ababa; Cuur/Magaabiit 8/2017 (ENA): Waxaa maanta Safaarada Itoobiya ee Waashingtan DC lagu qabtay Barnaamij Afur-wadareed ah oo lagu xusayay soonka bisha ramadaanka oo loo qabtay dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Waashingtan DC iyo nawaaxigeeda iyo Jaaliyadda Muslimiinta Itoobiya. 

Safiirka Itoobiya u fadhiya Maraykanka Danjire Binaalf Andhualem, ayaa dhambaalkiisa ku xusay in marka barnaamijka Afurka lagu qabto dalka Itoobiya ay tahay dhaqan caan ah in Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ay guri kasta isugu yimaadaan si ay u muujiyaan jacaylkooda.


 

 Waxa uu sheegay in dhammaan loo baahan yahay in la iska kaashado sidii loo saxi lahaa fikradaha iyo ficillada meesha ka saaraya qiyamka wadajirka ee la ilaaliyay qarniyo badan, loona gudbin lahaa jiilka soo socda.

 Danjire Binaalf ayaa jaaliyada muslimiinta Badar Itoobiya, First Hijra iyo mu'assasadda salaam ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika aad ugu mahad naqay sida wanaagsan oo ay uga jawaabeen baaqyo kala duwan oo heer qaran ah oo ay hore ugu soo jeediyeen.


 

 Waxaa barnaamijka ka hadlay wakiilka First Hijra Ustaad Muxamed Dhagu, madaxwaynaha Badar Itoobiya Axmed Warqu, madaxwaynaha Abay Kings midea iyo mu'assasadda salaam Ustaad Jamaal, Xubin ka tirsan golaha deegaanka Colorado Amsaalu Kaasa oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Itoobiya iyo safiirka Suudaan u fadhiya Maraykanka Muxamed Cabdullaahi Idris. 

 Safaarada ayaa sheegtay in barnaamijkan ay kasoo qayb galeen safiirada wadamada jaarka ah, madaxda ururada muslimiinta, dad badan oo itoobiyaan ah oo ku nool magaalada Washintan DC iyo nawaaxigeeda iyo xubno kamid ah jaaliyadaha muslimiinta ee ku dhaqan dalka itoobiya.

 #Wakaalladda Wararka_Itoobiya 
 #ENA
 #Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015