Xisbiga Barwaaqo oo munaasibad aqoonsi ah u qabanaya hay'adihii ka qayb qaatay xuska sannad-guuradiisa 5-aad iyo shirweynihii 2-aad ee xisbiga

Addis Ababa, Cuur/Megabit 6/2017 (ENA) – Xisbiga Barwaaqo ayaa munaasibad aqoonsi iyo mahadcelin ah Ku gudoonsiinaya hay'adihii kaalinta ku lahaa xuska sannad-guuradiisa 5-aad iyo qabsoomidda shirweyniihii 2-aad ee xisbiga.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Barwaaqo, Aadan Faarax, hoggaaminta sare ee xisbiga, ganacsato, masuuliyiin ka socday hay'adaha kala duwan iyo marti sharaf kale.

Waxaa la ogsoinyahay in Sanad guurada 5-aad ee Xisbiga Barwaaqo lagu xusay xuska guusha Adwa ee heer qaran, iyo sidoo kale dawlad deegaanada iyo maamul magaalooyinka laga xusay, iyadoo halku dhig looga dhigay “Sareeynta himilooyinka ee barwaaqada”.

Shirweynihii caadiga ah ee 2-aad ee xisbiga Barwaaqo oo lagu qabtay Addis Ababa intii u dhaxeysay Tir 23 ilaa 25/2017 ayaa halku-dhiggiisu ahaa “Fikir ilaa Dhaqan.”

Shirkaas waxaa ka qeyb galay hoggaamiyayaal ka socday 15 dal oo ay ku jiraan waddamada dariska la ah Itoobiya iyo xubnaha BRICS, Waxaana shirkaa laga soo saaray go’aamo iyo jihada siyaasadeed ee xisbiga.

#Ethiopia
#Ethiopian_News_Agency
#ENA

Wakaalada Warka Itoobiya
2015