Dadaalka lagu xoojinayo nabadda waarta ee u dhaxaysa bulshada walaalaha ah ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa sii socon doona - ENA Af-Soomaali
Dadaalka lagu xoojinayo nabadda waarta ee u dhaxaysa bulshada walaalaha ah ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa sii socon doona

Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 1/2017 (ENA): Hoggaanka sare ee labada dowlad-deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa sheegay in dadaalka lagu xoojinayo nabadda waarta ee u dhaxaysa labada bulsho uu si joogto ah u socon doono.
Afur-wadareed lagu qabtay magaalada Jigjiga, ayaa hal-ku-dhigg looga dhigay "Afur wadajir ah iyo nabad", taasoo muujisay dadaalka lagu xoojinayo isdhexgalka bulshada.
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed, ayaa sheegay in isbeddelka ka dib, guulo wax ku ool ah laga gaaray dhinacyo kala duwan, gaar ahaan xoojinta federaalismka dhabta ah iyo hirgelinta tallaabooyin suurtagelinaya nabad waarta.
Wuxuu xusay in xal u helista caqabadaha soo noqnoqda ay ku door weyn ka qaadatay wada-shaqeynta dowladda federaalka, culimada, odayaasha dhaqanka, iyo ururrada kale ee bulshada, si loo xoojiyo dadaalka nabadeed ee ka socda xuduudaha labada deegaan.
Madaxweynaha dowlad deegaanka Canfarta, Mudane Xaaji Awal Carba, ayaa dhankiisa sheegay in hadda la joogo xilligii la xoojin lahaa nabadda la bilaabay, iyada oo la marayo wada-hadal, is-faham, iyo iskaashi, si labada bulsho ay ugu wada noolaadaan nabad iyo midnimo.
Wasiirka Nabadda, Maxamed Idriis, ayaa xusay in bulshadan labada dhinac ee wadaaaga dhaqanka iyo diinta ay tahay in ay si wadajir ah u horumaraan, lana xoojiyo dadaalka lagu xaqiijinayo nabadda.
Sheekh Xqaji Ibraahim Tufa, oo ah Madaxweynaha Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya, ayaa tilmaamay in bisha Ramadaan ay tahay bil cibaado, nabad, iyo naxariis, taasoo fursad u ah xoojinta walaaltinimada u dhexeysa labada shacab.
Waxa uu sheegay in maalintani ay tahay maalin ay tahay in nabaddu xoogga la saaro, uuna uga mahadcelinayo cid kasta oo ka qayb qaadatay dadaalka nabadeed.
Ugu dambayn, waxaa la xaqiijiyay in barnaamij la mid ah kan lagu qaban doono dowlad deegaanka Canfarta, si loo sii amba-qaado dadaallada nabadda iyo is-dhexgalka bulshada.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Soomaalida_Canfarta