Itoobiya waxay si joogto ah u horumarinaysaa awoodeeda difaaca guud oo lagu kalsoonaan karo – Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Ahmed

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 29/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed (Dr.) ayaa sheegay in awoodaha difaaca guud ee Itoobiya ay si cad u muujinayaan in waddanku uu sii xoojinayo awoodo lagu kalsoonaan karo oo ay iskeed u dhisanayso si loo ilaaliyo qaranka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in warshadda Sky Win Aeronautics oo maanta la xadhigjaray ay astaan u tahay horumarka tiknoolajiyaddaha militari ee dalka. Waxa uu tilmaamay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee maanta la soo saaray ay dhowr sano ka hor aysan suurtagal noqon lahayn in gudaha dalka lagu farsameeyo.


 

Waxa uu carabka ku adkeeyey in ay jiri jireen caqabado hor taagnaa in si buuxda looga faa’iideysto diyaaradahaas, balse hadda waddanku uu horay uga tallaabay caqabadahaas, isla markaana uu si madax-bannaan u soo saarayo qalab casri ah oo ciidan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in dagaalka casriga ah uu u guurayo heerar cusub, loona baahan yahay in la xoojiyo awoodda tiknoolajiyadda sida sirdoonka macmalka ah (AI) iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si loo ilaaliyo ammaanka qaranka.


 

Waxa uu caddeeyey in muddo gaaban gudaheed, dadaalka xooggan ee la sameeyay uu suurta geliyay in dalka uu gaaro heer uu iskiis u soo saari karo drones-ka, taasoo ay suurtagelisay aqoonta, xirfadda, iyo hal-abuurka dadka Itoobiyaanka ah.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu intaa raaciyay in horumarka tiknoolajiyadda uusan kaliya fududaynayn difaaca dalka, balse uu sidoo kale xoojinayo awoodda ciidamada booliska iyo laamaha amniga. 


 

Waxa uu carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la sii horumariyo cilmi-baarista, suuqyada la ballaariyo, iyo in qaab-dhismeedka hay’adaha la casriyeeyo si Itoobiya ay door muuqda uga ciyaarto suuqa caalamiga ah ee drones-ka.

Ugu dambayn, waxa uu sheegay in dalka Itoobiya uu si hagar la’aan ah u sii wadi doono dadaallada lagu dhisayo awood difaac oo casri ah, taasoo suurta gelin doonta in qaranku uu gaadho horumar iyo barwaaqo.

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Itoobiya #Tiknoolajiyadda #Amniga

Wakaalada Warka Itoobiya
2015