Wax-soosaarka Diyaaradaha Drone-ta ee Naqshadaysan ee ay Farsameeyaan Khubaro Dalkeenna u dhashay Waa Horumar Taariikhi ah- Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (PhD) - ENA Af-Soomaali
Wax-soosaarka Diyaaradaha Drone-ta ee Naqshadaysan ee ay Farsameeyaan Khubaro Dalkeenna u dhashay Waa Horumar Taariikhi ah- Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (PhD)

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 29/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, ayaa sheegay in awoodda dalku u yeeshay inuu si madax-bannaan u naqshadeeyo uuu una soo saaro diyaarado drone ah oo noocyo kala duwan leh ay tahay horumar taariikhi ah.
Ra’iisul Wasaaruhu, ayaq fariin uu soo dhigay bartiisa baraha bulshada, waxa uu xusay in maanta uu kormeeray warshadda Sky Wing Aeronautics, taasoo muujinaysa horumarka la gaaray.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhowr sano ka hor, fikradda ah in Itoobiya ay gudaha dalka ku farsamayn karto diyaarado drone aysan maskaxda gali karin, balse maanta taas la xaqiijiyay.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in horumarkan la sii xoojin doono iyada oo la ballaarinayo cilmi-baarista, la kordhinayo fursadaha suuqa, isla markaana la horumarinayo tignoolajiyada casriga ah ee (smart sensors) gudaha dalka.
Isaga oo hadlkiisa sii wata, wuxuu xusay in warshado kale oo la mid ah, sida warshada Homijo, ay muhiim u yihiin xoojinta awoodda difaaca dalka — taasoo aan loo adeegsanaynin hurinta colaadaha, balse lagu yareynayo khataraha amniga si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobalka iyo qaaradaba.
Ugu dambayntii RW-ha ayaa yidhu "Hadafkeenna waa inaan abuurno awood difaac oo lagaga hortagayo kuwa colaadda raba, si aan u ilaalinno nabadda iyo horumarka shacabka".
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Itoobiya #Drone #Teknoolojiyad #Waxsoosaar_Gudaha #Itoobiya