Waxaa la bilaabay Qiimaynta Waxqabadka Xisbiga barwaaqo Ee Lixda Bilood ee lasoo dhaafay - ENA Af-Soomaali
Waxaa la bilaabay Qiimaynta Waxqabadka Xisbiga barwaaqo Ee Lixda Bilood ee lasoo dhaafay

Addis Ababa, Cirir/yekatit 27, 2017 (ENA): Madasha lagu qiimeynayo waxqabadka xisbiga barwaaqo ee lixda bilood ee sannad-miisaaniyadeedka 2017 okay ayaa si rasmi ah u bilaabatay.
Shirka waxaa ka qeybgalay madaxweyne ku-xigeenka xisbiga barwaaqo ahna, madaxa xarunta dhisida nidaamka dimuqraadiyada mudane aadan Faarax, madaxda waaxyaha xafiiska fulinta ee xisbiga, xafiisyada laamaha gobollada, iyo masuuliyiinta waaxaha abaabulka iyo siyaasadda.
Mudane Adan faarax ayaa sheegay in shirka socon doona saddex maalmood oo lagu falanqeyn doono shaqooyinka joogtada ah ee xisbiga, jawaab-celinta guddiga anshaxa iyo kormeerka, iyo qiimeynta dadaallada siyaasadeed ee deegaanada.
Sidoo kale, shirkan ayaa lagu lafa-guri doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana lagu go'aamin doonaa jihada shaqo ee xisbiga ee mustaqbalka.
Waxa kale oo la sheegay in ajandaha shirka uu xooga saarayo qiimeynta waxqabadka xisbiga iyo dowladaba, gaar ahaan dhismaha xisbiga, fulinta go’aannada shirweynaha labaad ee xisbiga, fursadaha shaqo abuurka, sicir-bararka iyo yareynta kala duwanaanta dhaqaale.
Waxaa la caddeeyay in madashan ay noqon doonto mid lagu qiimeeyo heerka uu marayo fulinta qorshayaasha lagu xallinayo caqabadaha nololeed ee bulshada.
#Wakaaladda_Wararka_Ethiopia
#Ethiopia #ENA