Itoobiya Waa Inay Xaqiijinaysaa Awooddeeda Dhaqaale, Taariikheed iyo Kheyraadkeeda si Ay Uga Tagto Dhaxal Waxtar - ENA Af-Soomaali
Itoobiya Waa Inay Xaqiijinaysaa Awooddeeda Dhaqaale, Taariikheed iyo Kheyraadkeeda si Ay Uga Tagto Dhaxal Waxtar

Addis Ababa, Cirir/yekatit 26, 2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo awoodda iyo hodantinimada Itoobiya si jiilasha mustaqbalka ay uga faa’iidaystaan.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay booqashadiisii warshadda Homicho Ammunition Engineering Industry, ayaa xusay in horey loo sameeyay dadaallo ku aaddan soo saarista rasaasta iyo hubka gudaha dalka.
Wuxuu intaas ku daray in hadda Itoobiya ay dhaaftay heerka wax-soo-saarka gudaha oo ay gaartay, heer ay dibadda ugu dhoofin karto, taasoo ah tallaabo istiraatiiji ah oo looga hortagayo halista in dalka si fudud la isugu dayo haddii uusan yeelan difaac adag.
Dr. Abiy Axmed ayaa xusay in sannadkii 2014 Itoobiya ay hubka dibadda ka soo iibsan jirtay, balse wixii ka dambeeyay 2015, ay bilowday wax-soo-saar gudaha ah oo lagu sameeyay warshadihii la aas-aasay, wuxuu sheegay in dalka uu awood u leeyahay soo saarista hubka kala duwan sida Klashnikov (AK-47), qoryaha snaiper-ka (sniper), hubka daran-dooriga u dhaca, taangiyada, iyo rasaas kala duwan, taasoo aan kaliya loogu talogalin adeegsiga gudaha, balse sidoo kale loo iibgeyn karo suuqyada caalamka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in aragtidaas ay tahay mid farxad gelinaysa, maadaama ay muujinayso horumarka dalka ee dhanka warshadaha difaaca.