Marka aan xusnayno guushii Cadwa, waa in aan hirgelinna himilada horumarka dalkeenna — Mustafe Muxumed - ENA Af-Soomaali
Marka aan xusnayno guushii Cadwa, waa in aan hirgelinna himilada horumarka dalkeenna — Mustafe Muxumed

Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 22/2017 (ENA): “Marka aan xusayno guushii Cadwa, waa in aan hirgelinna himilada horumarka dalkeenna oo aan horumarka ku sii xoojinna taariikhda geesiyadii Cadwa,” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed.
Madaxweynaha ayaa farriin hambalyo ah u diray shacabka munaasabadda xuska 129-guuradii guushii Cadwa.
“129 sano ka hor, geesiyadii Cadwa waxay difaaceen madax-bannaanida Itoobiya, waxayna dhiirrigelin u noqdeen dhammaan dadka madow ee doonaya xornimo. Waa maalin taariikhi ah oo astaan u ah iska-caabbinta gumeysiga,” ayuu yiri.
Waxa uu xusay in aan sii xoojinno taariikhdan inagoo horumarka kobcinaya si aan u gaadhno himilada horumarka qarankeenna.
Madaxweynuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in xusuusta guushii Cadwa ay mar kale xoojinayso doorka Itoobiya ee ahaa iftiinka xornimada Afrika. Wuxuu intaas ku daray in Cadwa aysan ahayn taariikh ay Itoobiya kaliya leedahay, balse ay tahay mid astaan u ah Afrika oo dhan.
Ugu dambayntii, madaxweyne Mustafe qyaa xusay in marka aan xusayno guushii Cadwa, ay tahay inaan xoojinno midnimadeenna qowmiyadeed, caqabadahana uga gudubna wadajir, si aan horumarka dalkeenna ugu wareejinno jiilalka soo socda, isagoo u rajeeyay shacabka horumar iyo nabad.