Maayarka Magaalada Addis Ababa, Adanech Abebe, ayaa soo indhaindhaysay Khasaaraha Ka Dhashay Dab xalay ka Kacay deegaanka habta goorgis

Addis Ababa, Cirir/yekatit 21, 2017 (ENA): Maayarka Magaalada Addis Ababa, Adanech Abebe, ayaa soo indhaindhaysay Khasaaraha Ka Dhashay Dab xalay ka Kacay deegaanka habta goorgis.


Komishanka Maareynta Dab-demiska iyo Musiibooyinka ee Addis Ababa, koomishineer Axmed Maxamed, ayaa sheegay in dabku uu bilaabmay xilli habeen ah. Waxa uu tilmaamay in dhismayaashii ku yaallay deegaankaas lagu dhisay agab si fudud dab ugu baahi kara, taas oo keentay in dabku si xawli ah u faafo.

Sidoo kale fiilooyinka korontada iyo gaadiidka gurmadka degdegga ah oo aan si sahlan u geli kariwaayay goobta dabku ka kacay, ayaa xoojiyay xaalada dabka, taasoo keentay in dabku sii faafo.

Saraakiisha dab-demiska ayaa si degdeg ah uga jawaabay dabka, iyaga oo sameeyay dadaallo ballaaran oo lagu xakameynayo dabka. Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha sida waddooyinka ciriiriga ah iyo arrimo kale oo la xiriira deegaanka ayaa sababay in uu khasaare kala duwan dhasho.

Xogta laga helayo xafiiska maayarka magaalada, ayaa sheegaysa in ay jiro khasaare kala duwan oo dhacay intii lagu guda jiray dab-damiska.

#Ethiopian_News_Agency
#ENA #Ethiopia

Wakaalada Warka Itoobiya
2015