Guushii Adhwa waa guul u soo hoyatay dhammaan bulshooyinka madow ee adduunka, tusaalena u ah jiilalka dambe - ENA Af-Soomaali
Guushii Adhwa waa guul u soo hoyatay dhammaan bulshooyinka madow ee adduunka, tusaalena u ah jiilalka dambe
Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 21/2017 (ENA): 129 sano ka hor, bisha Cirir/Yakaatiit 1888, Itoobiyaanku waxay midnimo iyo wadajir ku difaaceen dalkooda, iyagoo Adhwa guul kaga gaaray ciidankii Talyaaniga ee duullaanka ku soo qaaday.
Guushan, marka laga soo tago xaqiijinta madaxbannaanida Itoobiya, waxay noqotay il iftiin u ah xornimada Afrika iyo calaamad cad oo muujinaysa sinnaanta dhammaan bulshooyinka madow.
Sanadkan, munaasabadda guusha Adhwa waxaa halkudhig looga dhigay "Guushii Dadka Madow," waxaana la xusi doonaa Cirir/Yakaatiit 1888.
Silfiya Nkennjuysa, oo ah Xoghaye Ku-xigeenka Xarunta Dhaxalka iyo Waxbarashada Taariikhda Bulshooyinka Madow ee Jaamacadda Walter Sisulu ee Koonfur Afrika, ayaa sheegtay in Adhwa waa guul aan u gaar ahayn Itoobiya — waana dhaxal qiimo badan oo jiilalka dambe dhiirigelinaya.
Adhwa waxay muujisay sida rag iyo dumar is garab taagay ay ugu midoobeen halgan ay cadowga kaga guuleysteen, taasoo astaan u noqotay midnimada iyo awoodda bulshooyinka madow.
Bu'itumelo Monokesi, oo ka tirsan xarunta taariikhiga ah, ayaa sheegay in Adhwa ay tahay calaamad rajo iyo astaan muujinaysa awoodda iyo kartida Afrikaanka marka ay midowbaan.
Guusha Adhwa waxay caddaysay in Afrikaanku ay guulo gaari karaan marka ay wada shaqeeyaan oo ay isku kalsoonaadaan, taasoo ka dhigtay Adhwa tiir-dhexaadka aqoonsi iyo sharafya qaaradda.
Guushii Adhwa waxay sii nooleysay xoogga iyo adkeysiga Afrikaanka, iyada oo tusaale u noqotay in guushu ay tahay mid la gaari karo markii la mideeyo dadaalka iyo kartida bulshooyinka madow.
#Wakaalada_Wararka_Itoobiya
#Itoobiya