Shirweynaha Labaad ee Caadiga ee Xisbiga Barwaaqo ayaa maanta lagu falanqeeyay ajandayaal kala duwan, oo laga soo saaray go’aamo - ENA Af-Soomaali
Shirweynaha Labaad ee Caadiga ee Xisbiga Barwaaqo ayaa maanta lagu falanqeeyay ajandayaal kala duwan, oo laga soo saaray go’aamo

Shirweynaha Labaad ee Caadiga ee Xisbiga Barwaaqo ayaa maanta lagu falanqeeyay ajandayaal kala duwan, oo laga soo saaray go’aamo
Addis Ababa; Dharrabley/Tir 24/2017 (ENA): Shirweynaha labaad ee caadiga ahaa ee Xisbiga Barwaaqo ayaa maanta lagu Falanqeeyay ajandayaal kala duwan oo si balaadhan looga dooday, isla markaana laga soo saaray go’aamo, sida uu sheegay Madaxa Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Xisbiga barwaaqo Bikila Hurissa (PhD).
Shirweynaha labaad ee caadiga ahaa ee Xisbiga Barwaaqo ayaa shalay si rasmi ah u furmay, waxaana ka soo qayb galay 2,100 qof furitaanka shirka.
Shirweynaha waxaa ka soo qeybgalay 1,700 oo xubnood, iyo madaxda iyo wakiillada xisbiyada siyaasadeed ee ka kala socda 15 dal, iyadoo sidoo kale 400 oo marti sharaf ka kala timid gudaha iyo dibadda ay kasoo qaybgaleen.
Bikila Hurissa (PhD), oo ah madaxda Waaxda xidhiidhka Dadweynaha iyo Arrimaha Caalamiga ee Xisbiga Barwaaqo, ayaa u sheegay ENA in shirka uu si dimuqraadiyad ah u qabsoomay iyo in wakiillo ka kala yimid dhammaan qaybaha bulshada ay ka qeyb galeen.
Sidoo kale wuxuu sheegay in maanta shirka uu magacaabay xubnaha guddiga hogaaminta shorka ee hogaamin doona shirka, isla markaana ay ka doodeen ajandayaal kala duwan oo si faahfaahsan loo baaray oo la ansixiyey.
Waxa uu sheegay in dood dheer kadib si aqlabiyad leh lagu ansixiyay warbixintii ay soo gudbiyeen guddiga qaban qaabada shirka iyo xeer hoosaadka shirka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in warbixinnada Golaha Dhexe iyo Guddiga Kormeerka iyo Anshaxa ay soo gudbiyeen shirka oo ay ansixiyeen ka dib dood dheer.
Waxa kale oo uu sheegay in shirweynaha falanqayn dheer ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyay wax ka bedelka xeer hoosaadka xisbiga.
Waxa kale oo uu ka hadlay natiijadii uu xisbigu ka soo hooyay hawlihii uu qabtay tan iyo shirwaynihii ugu horeeyay, caqabadihii uu la kulmay, iyo fogaanta uu u soo maray sidii uu uga gudbi lahaa.
Wuxuu sheegay in tani ay ahayd shirweyne lagu xaqiijiyay in fikradda barwaaqo ay gaadhay qeybaha bulshada, isla markaana ay fikradu ay noqonayso dhaqan.
Waxa uu sheegay in shirweynuhu maalinta bari ah sii socon doono, isla markaana la qaban doono doorashada Madaxweynaha xisbiga, madaxweyne Ku xigeenada xisbiga iyo hogaaminta xisbiga.
Waxa uu sheegay in shirka maanta uu ku soo dhamaaday si wada jir ah oo dimuquraadi ah iyada oo maanta la magacaabay guddiga xulista.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in shirweynahan uu yahay mid lagu go’aamin doono go’aamada lagu shaqeyn doona sanadaha soo socda.