Dhammaan muwaadiniinta Itoobiya waa inay noqdaan danjirayaal ku metela Itoobiya Adduunka - ENA Af-Soomaali
Dhammaan muwaadiniinta Itoobiya waa inay noqdaan danjirayaal ku metela Itoobiya Adduunka

Addis Ababa, Dharrabley/Tir 21/2017 (ENA): Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in dhammaan muwaadiniinta looga baahan yahay inay noqdaan danjirayaal u ololeeya horumarka iyo qiyamka gaarka ah ee Itoobiya si ay u gaadhsiiyaan caalamka.
Agaasimaha Guud ee Dibloomaasiyadda Dadweynaha ee Wasaaradda, Danjire Shibiru Maamo, ayaa xusay in Itoobiya ay tan iyo wakhtiyadii hore astaan u ahayd xorriyadda dadka Madow iyo Afrikaanka, taasoo ka dhigaysa inay door muhiim ah ka ciyaarto taariikhda diblomaasiyadda caalamiga ah.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay door taariikhi ah ka qaadatay aasaaska urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga ah ee iskaashiga, taasoo xoojinaysa xiriirka ay la leedahay wadamada kale.
Wuxuu intaa ku daray in dib u habaynta ay Itoobiya samaysay kadib ay kor u qaaday xirfadda cilaaqaadka dibadda, iyadoo waddanku uu sii wado horumarka dhanka dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda, taasoo ka dhigaysa tusaale wanaagsan oo Afrika ah.
Danjiraha ayaa xusay in guulaha ay Itoobiya ka gaadhay isbeddelka ay samaysay ay kor u qaadayaan saamaynteeda caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay sii wadayso ka mid noqoshada ururrada caalamiga ah ee cusub, sida BRICS, si ay uga faa’iidaysato fursadaha iskaashi ee labada dhinac iyo kuwa badan.
Wuxuu sheegay in dhismaha dhaqaalaha adag ee Itoobiya iyo horumarinta awooda ciidan ee lagu xasilinayo gobolka ay qayb weyn ka qaadanayaan guulaha diblomaasiyadeed ee dalka.
Ugu dambayn, wuxuu xusay in Itoobiya ay guulo la taaban karo ka gaadhay mashaariic badan oo horumarineed, taasoo u horseeday in caalamku aqoonsado dadaalka uu dalku samaynayo.