Madaxweynaha Taye Askesilaase oo gaadhay Nairobi

Addis Ababa, Dharrabley/Tir 18, 2017 (ENA): Madaxweynaha JDFI Taye Askesilaase ayaa gaadhy magaalada Nairobi, ee dalka Kenya, si uu uga qeyb galo shir heer sare ah oo ku saabsan dib-u-habaynta hay’adaha Midowga Afrika.


 

Madaxweyne Taye markii uu gaadhay garaoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Xoghayaha Wasaaradda Maalgashiga, Ganacsiga, iyo Warshadaha ee Kenya, Lee Kinyanjui, Ku-xigeenka safiirka Safaaradda Itoobiya ee Kenya, Safiir Demeke Atnafu, iyo diblomaasiyiin kale oo ka tirsan safaaradda.

Shirka oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa ka socon doona magaalada Nairobi maanta iyo maalinta berri.


 

Xogta laga helayo safaaradda Itoobiya ee Kenya, ayaa sheegaysa in shirka diiradda lagu saari doonaa dib-u-habaynta hay’adaha Midowga Afrika, gaar ahaan maalgelinta waarta iyo hagaajinta hawlgalka ururka.

Waxa kale oo shirka diiradda lagu saari doonaa dhisidda awoodaha looga baahan yahay ururka si uu u gaadho ujeeddooyinkiisa, islamarkaana xal uu u ugu helo caqabadaha gobolka.


 

Hoggaamiyeyaasha Afrika iyo kuwa soo siyaasadaha ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan shirka.

Waxaa xusid mudan in William Ruto loo doortay bishii Febraayo 2024 in uu hoggaamiyo dadaallada dib-u-habaynta hay’adaha Midowga Afrika.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015