Biyo-xireenka Abaay oo ah astaanta guusha waa in la dhammeystiro iyadoo la mideysan yahay - Ustaad Jamaal Bashir

Addis Ababa, Dharrabley/Tir 5/2017 (ENA): Ustaad Jamaal Bashiir, oo ah taageere weyn oo biyo-xireenka Abaay ah, ayaa ku baaqay in dadka Itoobiyaanku ay sii mideysnaadaan ilaa laga dhammeystirayo mashruuca weyn ee biyo-xireenka Abaay ee Itoobiya, loona arko astaanta guusha shacabka Itoobiya.

Ustaad Jamaal ayaa sheegay in Itoobiya ay si joogto ah ugu hawlan tahay xaqiijinta faa’iidada wadajirka ah ee webiyada xuduudaha ka gudba, si loo gaaro heshiisyo waara iyo iskaashi dhinaca biyaha ah.

Ustaad Jamaal oo sidoo kale ah milkiilaha warbaahinta caanka ku ah la-socoshada siyaasadda biyo-xireenka iyo webiga Abay, ee loo yaqaan "Boqorrada Abay," ayaa sheegay in biyo-xireenku uu yahay astaanta mideynta qaranka iyo guusha Itoobiya.

Isagoo carrabka ku adkeeyay in Itoobiya aysan ahayn dal ka faa’iidaysta biyaha oo keliya, balse ay tahay dal hormuud u ah iskaashiga horumarineed ee gobolka iyo guud ahaan Afrika, waxa uu xusay in heshiiskii lagu gaaray magaalada Entebbe ee dalka Uganda uu ahaa tallaabo muhiim ah oo ku saabsan wadaagga iyo maareynta biyaha wabiga Niil.


 

Sida uu sheegay Ustaad Jamaal, heshiiskaas wuxuu fursad u abuuray in la sameeyo nidaam cadaalad ah oo lagu wadaago khayraadka biyaha, taasoo faa’iido weyn u leh dalalka wabiga ku tiirsan. Waxa uu intaa ku daray in Itoobiya ay tusaale wanaagsan u noqotay dalalka kale ee Afrika marka la eego dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo hirgelinta iskaashi wax ku ool ah.

Biyo-xireenka weyn ee Abaay ayaa loo arkaa astaanta guusha qaran ee Itoobiya, isagoo matalaya horumarka Itoobiyaanku ay ku guuleysteen iyadoo aan laga waaban caqabadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Mashruucan, oo laga maalgeliyay dadaalka dadweynaha Itoobiya, wuxuu ka tarjumayaa faa’iidada dhaqaale iyo tan qarannimo ee Itoobiya. Sidaas darteed, Ustaad Jamaal ayaa ku booriyay dhammaan shacabka Itoobiya inay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan mashruuca, iyagoo adeegsanaya dhaqaale iyo diplomaasiyad ilaa laga dhammeystirayo.

Ugu dambayntii, Ustaad Jamaal ayaa ku baaqay in khilaafaadka gudaha lagu xalliyo wada-hadal, halka arrimaha danta qaranka looga baahan yahay wadajir iyo iskaashi xooggan. Waxa uu carabka ku adkeeyay in aan loo dulqaadan karin aragtiyo kala qaybinaya shacabka marka ay timaado biyo-xireenka weyn ee Abaay.

#Addis Ababa
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya 
#GERD

Wakaalada Warka Itoobiya
2015