Itoobiya iyo Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaale ee ka dhaxeeya

Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 30, 2017 (ENA):– Itoobiya iyo Talyaaniga ayaa ka wada xaajooday sidii ay u xoojin lahaayeen iskaashigooda dhaqaale ee labada dal ka dhaxeeya.

Safiirka Itoobiya ee Talyaaniga, Dhammitu Hambisa, ayaa kulan la yeelatay Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Talyaaniga, Giorgio Silli.

Wada xaajoodka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay sii horumariyaan xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee labada da heer sare.

Sidoo kale,Xogta laga helayo Safaaradda Itoobiya ee Rome ayaa sheegaysa in Giorgio Silli ay dhawaan booqasho shaqo Ku yimid Itoobiya.

Xogaha ayaa tilmaamaya in Itoobiya iyo Talyaanigu ay xidhiidhkooda diblomaasiyadeed bilaabeen sanadkii 1889kii.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015