Sanadka cusub ee tirsiga Yurub awgeed waxaa la ridi doonaa rash - ENA Af-Soomaali
Sanadka cusub ee tirsiga Yurub awgeed waxaa la ridi doonaa rash
Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 22/2017 (ENA): Booliska Addis Ababa ayaa shaaciyay in rash laga ridi doono Hotel Sheraton, sanadka cusub ee caawa la xusayo awgeed, laga bilaabo (12:00) 6:00 ilaa iyo (12:15) 6:15 habeenimo.
Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka (NISS) ayaa booliska u dirtay warqad ay ku wargalinayaan ridista rashkan, iyagoo ugu baaqay in bulshada ay wargaliyaan si aysan u argagixin.
Booliska ayaa bulshada ka codsaday inay ka warqabaan oo aysan argagixin, iyagoo sidoo kale la wadaagay warbixin ku saabsan ridista rashkan.