Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa aqoonsi ka heshay shirkada Guangzhou Bayun International Airlines

Addis Ababa; Xorrey/Tahsaas 22, 2017 (ENA): Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa la guddoonsiiyay abaal-marinta wada shaqayn dhow oo ay soo qabanqaabisay shirkadda Guangzhou Bayun International Airlines, taasoo ay ku mutaysatay xidhiidhka dhow ee ay la leedahay shirkadda diyaaradaha ee Guangzhou Bayuun.

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in aqoonsigani uu muujinayo wada shaqaynta xooggan ee labada shirkadood, isla markaana ay ka caawin doonto sii xoojinta adeegyada ay bixiso.


 

Shirkada Diyaaraddaha ee Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in hadda toban duulimaad ay ka sameyso shirkada Guangzhou Bayuun, ayna ka go’an tahay xoojinta adeegyada ay bixiso shirkadu.

Shirkaddu waxay uga mahadcelisay Guangzhou Baiyun International Airlines taageerada joogtada ah ee ay ku bixiso xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee labada shirkadood, waxayna muujisay sida ay u aaminsan tahay inay ka shaqayn doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen iskaashigooda mustaqbalka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015