Mashruuca horumarinta marinnada ee magaalooyinka dalka ayaa laga dareemayaa isbedel wanaagsan- Mudane Mustafe Muxumed - ENA Af-Soomaali
Mashruuca horumarinta marinnada ee magaalooyinka dalka ayaa laga dareemayaa isbedel wanaagsan- Mudane Mustafe Muxumed

Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 17/2017 (ENA): Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed, ayaa sheegay in mashaariicda horumarinta marinnada ay si weyn u beddeshay nidaamka adeegyada qaran ee horumarka, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta magaalooyinka.
Fikraddan horumarinta marinnada magaalooyinka ayaa waxaa hal abuurkeed lahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed.
Waxa uu xusay in la hirgeliyay mashaariicyo horumarineed oo kor u qaadaya nolosha bulshada magaalooyinka iyo miyigaba, ayna tahay mid si wanaahsan loo fulinayo.
Mustafe waxa uu tusaale usoo qaatay hindisaha barnaamijka raadka cagaaran, qorshaha horumarinta marinnada, iyo mashaariicda loo yaqaan "Ilaha dakhli ee qaranka, iyo dhismaha jiilka soo socda," kuwaas oo lagu hormarinayo magaalooyinka iyadoo la hirgelinayo mashaariicda wax ku ool ah oo marrinada lagu horumarinayo.
Intii uu socday shirkii Guddiga Fulinta ee Xisbiga Barwaaqo oo socday muddo laba maalmood ah, waxaa diiradda lagu saaray ajendayaasha qaranka iyo kuwa xisbiga, iyadoo looga dooday sidii loo horumarin lahaa qorshaha lagu hormarinayo magaalooyinka ee ku saleysan mashaariicda horumarinta marinnada.
Madaxweynaha DDS waxa uu tilmaamay in qorshahan uu yahay mid la jaanqaadaya horumarka caalamka, iyada oo la saadaaliyay in boqolkiiba 57 dadka dunida ay ku nool yihiin magaalooyinka. Waxa uu intaa ku daray in horumarinta marinnada ay sare u qaadday kobaca magaalooyinka iyo in ay horseedi doonto in boqolkiiba 70 dadka dunida ay magaalooyinka ku noolaadaan 30ka sano ee soo socda.
Mustafe Muxumed waxa uu sheegay in mashaariicda marinnada ee Addis Ababa laga hirgeliyay ay tusaale u tahay sida mashaariicdaas looga hirgelinayo magaalooyinka kale ee degaannada, kuwaas oo horseeday kobac dhaqaale iyo shaqo abuur.
Sidoo kale, waxa uu xusay in mashaariicda lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha sida korontada, waddooyinka laamiga ah, iyo buundooyinka ay muujinayaan muhiimadda istiraatiijiyaddeed ee wadooyinka.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in mashaariicda laga fuliyay deegaanada kala duwan ee Itoobiya ay kor u qaadayaan dalxiiska iyo kobaca dhaqaalaha, taasoo si gaar ah uga muuqata horumarkan magaalada Jigjiga oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah magaalooyinka ugu hormarsan Bariga Afrika.
Mustafe ayaa ugu dambeyntii sheegay in mashaariicda cusub ee horumarinta marinnada ay kor u qaadayaan tayada adeegyada bulshada magaalooyinka, taasoo lagu dhiirigelinayo martida dalxiisayaasha ah iyo kobaca dhaqaale ee degaannada.