Warshad soo saarta rootiga iyo burka ee ay magaalada Dhase ka hirgalisay marwada koobaad ayaa bilowday shaqada - ENA Af-Soomaali
Warshad soo saarta rootiga iyo burka ee ay magaalada Dhase ka hirgalisay marwada koobaad ayaa bilowday shaqada

Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 17/2017 (ENA): Waxaa shaqada si rasmi ah u bilowday warshada rootiga iyo burka ee magaalada Dhase ay ka hirhalisay marwada koobaad ee dalka. Warshadan waxay qayb ka tahay horumarinta fursadaha shaqo ee bulshada deegaankaas.
Maamulaha warshadda, Salamoon Makonan, ayaa sheegay in warshaddu ay soo saari doonto rooti iyo bur tayo leh oo si hufana bulshadana loo gaadhsiinayo, isla markaana ay dhalinyaro badan u abuuri doonto fursado shaqo.
Ku xigeenka koobaad ee duqa magaalada Dhase, Saamu'eel Mollaa, ayaa xaqiijiyay in warshaddu ay qayb ka tahay dadaallada horumarineed ee magaalada, isagoo intaas ku daray in warshaddu sidoo kale ay soo saari doonto burka iyo rootiga, oo ah waxyaabaha muhiimka u ah bulshada.
Ugu dambayntii, warshadda ayaa awood u leedahay inay soo saarto 300,000 rooti iyo 420 kiintal oo bur ah maalin kasta, waxaana la rajeynayaa in ay sare u qaaddo wax soo saarka iyo shaqo-abuurka marka ay si buuxda u shaqa bilowdo.